Caqliga wanaagsan iyo wadatashiga
Bari baryaha ka mida xiliyadii somaalidu reer reerka isku diriri jireen ayaa waxaa ka dhex dhacday laba beelood oo walaalo ah dhexdooda dhibaato colaadeed.Dadkii somaliyeed ayaa waxeey isla qaateen in dadka walaalaha ah la kala dhexgalo loona gar qaado.Hadaba waxeey noqotey in la iskugu yeedho beelaha deegaankaas daga oo dhan odoyaashoodi iyo guurtidii.
Shir Soomaali geed hoostii (hido iyo dhaqan) |
Hadalkii waxaa maqlay wiil yar oo aad u maskax badan oo geedka korkiisa saarnaa
magaciisana la odhan jirey Diiriye Sugule Ceeynaashe, wiilkii intuu kor u qeeyliyey isaga
oo la hadliya nimankii lahaa waayeelka gura ayuu ku yidhi "waar waayeelka
hagurinee wax garadka gura".
Ragii meesha joogey ayaa markaliya kor wada eegay oo
idhi "walaahay waa runtii waar bal soo dhaadhac kadibna wiilkii yaraa
markeey garaadkiisi layaabeen ayeey ergadii garta ku soo dareen.
Wiilkii yaraa markuu barbaaray wuxuu noqday Suldaan
gayiga soomaalida oo dhan ka caan ah oo dadka cadaalad ku maamula magaciisuna
wuxuu ahaa Suldaan Diiriye Sugule Ceeynaashe.
Sheekadan taariikhda ah ee dhacday waxeeynu ka
baraneeynaa wax badan iyo in wadatashigu wanaagsan yahay laguna khasaarin,
suurad dhan oo quraanka ka mid ahina ka hadleeyso wadatashiga (suurah
Ash-shuura) oo Nabi Maxammed (NNKH) oo waxyigii Alle ku kusoo dagiyey hadana
Alle amray in uu la tashado asaxaabtiisa sidoo kalena Alle waxa uu ku amaanay
muuminiinta in ay wada tashadaan.
Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradda Ee Laanta Fniland Ee Xisbiga Waddani
No comments:
Post a Comment