Sunday, 2 February 2014

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Ciidanka Qaranka JSL

 Hambalyo Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland


Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan lasoo koobikarin u dirayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo labaatan jirsaday xuska munaasibadda aasaaskoodii oo ku beegan 02/02/2014 oo maanta ah.
 
Geesiyaasha Ciidanka Qaranka, Qoysaskooda xaasaskooda iyo Carruurtoodaba waxaan Illaahay uga rajeeyniyaa inay sannadkan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo caafimaad qab, inta dhimatayna Alle ha u naxriisto.

Waxaan ku boogaadinayaa halyeeyada Ciidammada Qaranka sida waddaniyadda iyo adkaysiga leh ee ay heeganka ugu jiraan ilaalinta Qarannimada, xuduudaha iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland hadh iyo habeen.

Waxaan u rejaynayaa Ciidammada Qaranka iyo guud ahaanba shacabka Somliland midnimo, guul iyo gobanimo waarta.
Suldaan, Gd. Garabka Dhalinyaradda Xisbiga Waddani Laantiisa Finland.

Halkan waxaan idiinku soo gudbiniyaa heesta Qaranka JSL iyo sawiro aan ka soo dheegtay mareegta facebooga ee Official page for Somaliland Armies.
__________________________________________________
Heesta qaranka:
Samo ku waar, samo ku waar, saamo ku waar
Sarreeye calanka sudhan bilay dhulkiisaa, Samo ku waariyoo iyo bogaadin sugan Hanbalyo suuban kugu salaannee saamo ku waar
Geesiyaashii naftooda u sadqeeyay qarannimada Somaliland
Xuskooda dhowrsan kugu salaannee samo ku waar
Guulside xanbaarsan soo noqoshadiisa kalsooniduu mutaystayee dastuurka ku salaannee
Midnimo walaalnimo goobanimo islaanimo kugu salaanee
samow samidiyo samo ku waar samo ku waar saamo ku waar!
____________________________________________________
 
Madaxweeynaha JSL Mr. Silaanyo, General Saeed Adam oo shahaado sharaf gudoomiya iyo Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle).
Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle)
Sareeye Guute Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Kuliyadda Tababarka Ciidama ee Mandheera. 
Banaan baxa Ciidamada ee maalinta 18May.
Ciidanka Qaranka JSL.
Saraakiil soo dhameeystay waxbarashadii ciidanimo oo dalka kusoo guryo noqday.



Somaliland ha noolaato,
Suldaan  Siciid  Axmed
Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradda Ee Laanta  Fniland  Ee Xisbiga Waddani

No comments:

Post a Comment