Sunday, 16 February 2014

Facts about Somaliland

Facts about Somaliland.


Somaliland  has a population of about 3.5 million
More than 73% of the Somaliland population live in poverty and 43% in extreme poverty and unemployment are widespread.

The GDP per head is $226 a head per year. If this figure is divided by 365 days, one can clearly see that people are living on below $1 a day.


More than 78% of the population have no access to healthcare.

UNDP report from Somaliland.




Let me ask the Kulmiye party, that what has your government done for this country? It seems the Somaliland government has done nothing except raised taxes and increased corruption.


In Somaliland, there is, obviously, freedom of speech, but at the same time the opposition parties are not allowed to use the ''national television'', which, by the way, is run by public tax money.

The Kulmiye Party and Mr. President Ahmed Siilaanyo, your manifesto, although being a big book with full of promises, we have not, however, for these three and a half years seen anything except more corruption everywhere the country.


Suldaan Said Ahmed,
WADDANI youth chairman

Sunday, 2 February 2014

Hambalyo Hambalyo Hambalyo Ciidanka Qaranka JSL

 Hambalyo Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland


Waxaan hambalyo iyo bogaadin aan lasoo koobikarin u dirayaa Ciidanka Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo labaatan jirsaday xuska munaasibadda aasaaskoodii oo ku beegan 02/02/2014 oo maanta ah.
 
Geesiyaasha Ciidanka Qaranka, Qoysaskooda xaasaskooda iyo Carruurtoodaba waxaan Illaahay uga rajeeyniyaa inay sannadkan kiisa kale ku gaadhaan bash-bash, barwaaqo iyo caafimaad qab, inta dhimatayna Alle ha u naxriisto.

Waxaan ku boogaadinayaa halyeeyada Ciidammada Qaranka sida waddaniyadda iyo adkaysiga leh ee ay heeganka ugu jiraan ilaalinta Qarannimada, xuduudaha iyo jiritaanka Jamhuuriyadda Somaliland hadh iyo habeen.

Waxaan u rejaynayaa Ciidammada Qaranka iyo guud ahaanba shacabka Somliland midnimo, guul iyo gobanimo waarta.
Suldaan, Gd. Garabka Dhalinyaradda Xisbiga Waddani Laantiisa Finland.

Halkan waxaan idiinku soo gudbiniyaa heesta Qaranka JSL iyo sawiro aan ka soo dheegtay mareegta facebooga ee Official page for Somaliland Armies.
__________________________________________________
Heesta qaranka:
Samo ku waar, samo ku waar, saamo ku waar
Sarreeye calanka sudhan bilay dhulkiisaa, Samo ku waariyoo iyo bogaadin sugan Hanbalyo suuban kugu salaannee saamo ku waar
Geesiyaashii naftooda u sadqeeyay qarannimada Somaliland
Xuskooda dhowrsan kugu salaannee samo ku waar
Guulside xanbaarsan soo noqoshadiisa kalsooniduu mutaystayee dastuurka ku salaannee
Midnimo walaalnimo goobanimo islaanimo kugu salaanee
samow samidiyo samo ku waar samo ku waar saamo ku waar!
____________________________________________________
 
Madaxweeynaha JSL Mr. Silaanyo, General Saeed Adam oo shahaado sharaf gudoomiya iyo Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle).
Sareeye Gaas Ismaaciil Maxamed Cismaan (Shaqalle)
Sareeye Guute Cabdilaahi Fadal Iimaan.
Kuliyadda Tababarka Ciidama ee Mandheera. 
Banaan baxa Ciidamada ee maalinta 18May.
Ciidanka Qaranka JSL.
Saraakiil soo dhameeystay waxbarashadii ciidanimo oo dalka kusoo guryo noqday.



Somaliland ha noolaato,
Suldaan  Siciid  Axmed
Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradda Ee Laanta  Fniland  Ee Xisbiga Waddani

Saturday, 1 February 2014

Sheeko: Caqliga wanaagsan iyo wadatashiga

Caqliga wanaagsan iyo wadatashiga

 

Bari baryaha ka mida xiliyadii somaalidu reer reerka
isku diriri jireen ayaa waxaa ka dhex dhacday laba beelood oo walaalo ah
dhexdooda dhibaato colaadeed.

Dadkii somaliyeed ayaa waxeey isla qaateen in dadka walaalaha ah la kala dhexgalo loona gar qaado.
Hadaba waxeey noqotey in la iskugu yeedho beelaha deegaankaas daga oo dhan odoyaashoodi iyo guurtidii.
Shir Soomaali geed hoostii (hido iyo dhaqan)
Maalin maal maha ka mida ayaa niman fardo wataa u'imaadeen niman kale oo geed kuhoos shiraya markaasey ku idhaahdeen waar soo kaca gar ayeeynu galeeynaaye waxii reeraha waayeel iyo odoyaal joogana soo kaxeeya.

Hadalkii waxaa maqlay wiil yar oo aad u maskax badan oo geedka korkiisa saarnaa magaciisana la odhan jirey Diiriye Sugule Ceeynaashe, wiilkii intuu kor u qeeyliyey isaga oo la hadliya nimankii lahaa waayeelka gura ayuu ku yidhi "waar waayeelka hagurinee wax garadka gura".
Ragii meesha joogey ayaa markaliya kor wada eegay oo idhi "walaahay waa runtii waar bal soo dhaadhac kadibna wiilkii yaraa markeey garaadkiisi layaabeen ayeey ergadii garta ku soo dareen.
Wiilkii yaraa markuu barbaaray wuxuu noqday Suldaan gayiga soomaalida oo dhan ka caan ah oo dadka cadaalad ku maamula magaciisuna wuxuu ahaa Suldaan Diiriye Sugule Ceeynaashe.
Sheekadan taariikhda ah ee dhacday waxeeynu ka baraneeynaa wax badan iyo in wadatashigu wanaagsan yahay laguna khasaarin, suurad dhan oo quraanka ka mid ahina ka hadleeyso wadatashiga (suurah Ash-shuura) oo Nabi Maxammed (NNKH) oo waxyigii Alle ku kusoo dagiyey hadana Alle amray in uu la tashado asaxaabtiisa sidoo kalena Alle waxa uu ku amaanay muuminiinta in ay wada tashadaan.



Suldaan  Siciid  Axmed
Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradda Ee Laanta  Fniland  Ee Xisbiga Waddani