Soomaalidu
waxeey ku maahmaahaan "xalaal hadhcad ayaa la cunaa ama "wax la qariyo
qudhunbaa ku jira". Wadahadalada Somaliland iyo Somalia ee ka socda dalka Turkiga waxaa laga reebey oo dowlada Somaliland udiidey ineey kala qeeyb galaan labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid.
Anigu rayi ahaa waxaan aamin sanahay waxyaabo kale oo aanu
aqoonsigu ku jirin in laga wada hadliyo, oo eey kamid yihiin arimo dhaqaale iwm, koonfurna inooma ogola
aqoonsi, dowladuna shicibka ayeey daasado madhan ugaraaceysaa.
Waxaan ku talin lahaa eeynu dalkeena iyo dadkeena ka shaqeeyno horumarkiisa iyo
sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa muwaadiniinta.
Dalkeena maanta ardeyda jaamacadaha kabaxda 75% waxeey barteen ICT (information and communications technology) eeynu kuwaas iyo kuwa kaleba shaqooyin u abuurno oo eeynu shirkadaha aduunka ugu yeedhno dalkeena si eey uga furtaan xarumo lagu xidhxidho wax soosaarkooda sida computers ka iyo mobile phones ka, maadaama dalkeena eey ka heliyaan shaqaale mushaharkoodu jaban yahay cashuurtuna ka jabantahay dunida kale.
kadib eeynu la sameeyno xidhiidh saaxiibtinimo oo fiican dowladaha midowga Afrika (African Union), kadibna dowladaha sida Russia oo kale eeynu xidhiidh adag la sameeyno inaga oo tuseeyna in dalkeenu u furan yahay maalgashiga caalamka, macdan badan iyo shidaalna dhulkeena ku jiro.
Dowlada Mareeykanku (United State of Amerca) waxeey gacansaar la'leedahay Dowlada Federaalka Somaliya (Federal Republic of Somalia) aqoosiga Somaliland:na (Republic of Somaliland) Mareeykanku uma soo jeedo.
Sidaas darteed Russia eeynu ka dhigano saaxiib siyaasadeed aqoosiga Somaliland:na kala hadalno, maadaama dunida maanta siyaasadeeda saameeyn badan USA iyo Russia ku leeyihiin.
Markeeynu inagu gacmaha is qabsano, danaha qaranka u'midoowno, dalkeena iyo bulshadeena horumarkiisana ka shaqeeyno, aduunkana tusno in aqoonsigeena dani ugu jirto citiraafkuna wuu iska iman isaga oo soconiya oo bilaa baryo ah.
No comments:
Post a Comment