Friday, 31 January 2014

Gooni isku taaga iyo Madax-banaanida Somaliland waa go'aan shacbi

Marka hore waxaa wanaagsan in dadku wada fahmaan inuu gooni isku taaga iyo madax-banaanida Somaliland yahay go'aan shacab 97% oo aanu ahayn sheeko dowladda Somaliland jeebkeeda kala soo baxday. Waxaa sidoo kale xusid mudan in marka arimaha aqoonsiga dalka laga wada hadliyo, gaar'ahaan marka walaalaheena Somaaliya arintan lagala hadliyo in eeynu muujino isku duubnaan iyo talo-wadaag iyo in Qaranka Somaliland yahay dadweeyne, mucaarid iyo xukuumadba mid arintaa meel ugasoo wada jeeda oo kawada tashaniya aayahooda iyo aayaha dalkooda. 



Sida eeynu wada ogsoonahay Xukuumada Somaliland waxeey in mudo ahba wadahadalo hoos hoos ah la yeelaneeysay Xukuumada Somaaliya, ku waas oo mararka qaarkood is afgaran waa ka soo baxay 'qodobada eey labada dhinac la'iman doonaan shirka Turkiga' awgii dib looga dhigay xiligii shirka.

Run'ahaantii Xukuumada Somaaliya waxeey ku adkeeysatay qodobada eey shirkaas la'iman doonto, kadibna Xukuumada Somaliland ayaa markeey arintaas ogolaadeen shirkii ka reebay dhamaan dhinacyadii kale ee shirkaas hore uga qeeyb galijirey sida Xisbiyada Mucaaridka ee Ucid iyo Waddani.

Sida eeynu wada ogsoonahay Jamhuuriyadda Somaliland ayaa waxeey ku gashaa markasta oo heshiis caalamiya ama mid guddaha dalka ah la'galiyo ''Republic of Somaliland ama Jamhuuriyadda Somaliland, hadaba Dowladda Federaalka Somaaliya ayaa ka diidey markan Somaliland in eey heshiiska ku gasho sida caadada aheeyd oo tidhi laba Jamhuuriyadood ma jiraan ee waa mid'uun maadama aan aqoonsi caalamiya la'idin siin ee sidan ku gala heshiiska 'The Government of Somaliland' ama Xukuumadda Somaliland' hadaba xukuumad waa dowladd yeelan karta maamul gaara oo iskii isu maamula balse hoos taga Dowladda Federaalka ah amaba Dowladdaha badan ee isku tagay tusaale ahaan sida Mareeykanka oo kale.

Haddaba sida eeynu kor kusoo xusnay waxaa muhiim ah in la dhowro oo la'ilaaliyo go'aanka eey 97% dadka reer Somaliland ka mideeysan yihiin, oo dowladd iyo mucaaridba arintan laga wada shaqeeyo, talona la'iska weeydiiyo, meeshana laga saaro loolanka siyaasadeed ee dhexdeena, waayo waxaa miiska inoo saaran oo inooqalan ''dhaawac'' (Qadiyadda Gooni-iskutaaga) hadii si khaldan loo qalona dhiman kara oo eey tahay in dhakhaatiir qaliinka ku takhakhusey in loo raadiyo.

Waftigii Xukuumaddu soo xushay ee Wassiirada iyo Xildhibaanada lahaa ee siday qadiyada Somaliland  dadka hogaaminayey waxeey ahaayeen niman siyaasadda aan hore ugasoo shaqeeyn khibradna aan ulaheeyn oo imika ku barbaraniya Xukuumadda Madaxweeyne Siilaanyo, oo markoodi hore midna Dahabshiil ka shaqeeyn jirey midna Gollaha Nabadeeynta ee Daafuur (Suudaan) Guddoomiye ku xigeen ka ahaa, gollahaas oo eey wada sameeyeen Midowga Afrika iyo Qaramadda Midoobey.

Somaliland waxeey halkaa maanta kusoo gaadhey wadatashi iyo isku duubnaan, balse imika waxaad moodaa in xukuumadda Somaliland kaligeed caqli iyo aqoonba isbidey, sidaana laguma meel gaadhiyo, waa in shacabka iyo Maddaxda Xisbiyada Mucaaradka ee codka iyo kalsoonida dadweeynaha ku imi aayaha dalka lagala tashado oo laga faa'ideeystaa. 

Waxaa inoo jooga rag waligoodba arimaha dibada kasoo shaqeeyn jirey siyaasadda Somalilandna inbadan kusoo jirey, isla markaana si fiican u xafidsan dastuurka iyo xeerarka Somaliland uyaala ahna Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland, waa inaan loo arkin cadow ee xukuumaddu ka faa'ideeysataa aqoontiisa isaga iyo madaxdakale ee xisbiyada mucaaridkaba.  Halkan ka daawo aniga oo fikirkeeyga ka dhiibaniya arintan Wadahadalada Somaliland iyo Somaliya HCTV.

waakan qaabka wadda hadalada loo saxeexay.



Suldaan  Siciid  Axmed
Gudoomiyaha Garabka Dhalinyaradda Ee Laanta  Fniland  Ee Xisbiga Waddani


Saturday, 18 January 2014

Aqoonsiga Somaliland -Just My Opinion

Soomaalidu waxeey ku maahmaahaan "xalaal hadhcad ayaa la cunaa ama "wax la qariyo qudhunbaa ku jira". Wadahadalada Somaliland iyo Somalia ee ka socda dalka Turkiga waxaa laga reebey oo dowlada Somaliland udiidey ineey kala qeeyb galaan labada xisbi mucaarid ee Waddani iyo Ucid.
 
Anigu rayi ahaa waxaan aamin sanahay waxyaabo kale oo aanu aqoonsigu ku jirin in laga wada hadliyo, oo eey kamid yihiin arimo dhaqaale iwm, koonfurna inooma ogola aqoonsi, dowladuna shicibka ayeey daasado madhan ugaraaceysaa.

Waxaan ku talin lahaa eeynu dalkeena iyo dadkeena ka shaqeeyno horumarkiisa iyo sidii shaqooyin loogu abuuri lahaa muwaadiniinta. 

Dalkeena maanta ardeyda jaamacadaha kabaxda 75% waxeey barteen ICT (information and communications technology) eeynu kuwaas iyo kuwa kaleba shaqooyin u abuurno oo eeynu shirkadaha aduunka ugu yeedhno dalkeena si eey uga furtaan xarumo lagu xidhxidho wax soosaarkooda sida computers ka iyo mobile phones ka, maadaama dalkeena eey ka heliyaan shaqaale mushaharkoodu jaban yahay cashuurtuna ka jabantahay dunida kale.

kadib eeynu la sameeyno xidhiidh saaxiibtinimo oo fiican dowladaha midowga Afrika (African Union), kadibna dowladaha sida Russia oo kale eeynu xidhiidh adag la sameeyno inaga oo tuseeyna in dalkeenu u furan yahay maalgashiga caalamka, macdan badan iyo shidaalna dhulkeena ku jiro.

Dowlada Mareeykanku (United State of Amerca) waxeey gacansaar la'leedahay Dowlada Federaalka Somaliya (Federal Republic of Somalia) aqoosiga Somaliland:na (Republic of Somaliland) Mareeykanku uma soo jeedo.

 Sidaas darteed Russia eeynu ka dhigano saaxiib siyaasadeed aqoosiga Somaliland:na kala hadalno, maadaama dunida maanta siyaasadeeda saameeyn badan USA iyo Russia ku leeyihiin.

Markeeynu inagu gacmaha is qabsano, danaha qaranka u'midoowno, dalkeena iyo bulshadeena horumarkiisana ka shaqeeyno, aduunkana tusno in aqoonsigeena dani ugu jirto citiraafkuna wuu iska iman isaga oo soconiya oo bilaa baryo ah.



Saturday, 11 January 2014

HORDHACA BLOGA

Kusoo dhawaada Mudanayaal iyo Marwooyin mareegteyda gaarka ah


Waxaan ahay Suldaan Siciid Axmed,  waxaan ka mid ahay oo aan xubin buuxda ka ahay aniga oo mataliya xisbiga Left Party ee Finland ''Gollaha Talobixinta Arimaha Ajjaanabka ee magaalada Helsinki'' waxaan sidookale ka ahay Laanta Xisbiga Waddani ee Finland Guddoomiyaha Garabka Dhalinyarada, laantan oo ah laantii ugu horeeysey ee uu Xisbiga Waddani ku yeesho qurbaha. Imikana waxaan iiqorsheeysan mustaqbalka dhow inaan ka qeeyb qaato siyaasada iyo arimaha bulshada ee Somaliland. 

Mareegtan waxaan ugu tala galay inaan kaga hadlo fikradaheeyga siyaasadeed ee aniga ii khaaska ah, dad weeynaha iyo taageera yaasheydana halkan ka wada socono. 
Waxaan isku dayi doonaa hadii Alle idmo in mareegtan aan qoraalo iyo sawiroba idiinku soo gudbiyo.


CV:geeyga oo dhameeystiran ka akhriso halkan LinkedIn

Qoraalada aan halkan kusoo qoro waa qaar aniga iikhaasa mana aha qoraallo aan xisbiga Waddani ku mataliyo ama ku hadliyo afkiisa.

Suldaan Siciid Axmed